Justice for Children Thematic Working Group
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cadaaladda JSL Md. Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Ismaaciil ayaa maanta furay shirka bilahaa ee daneeyayasha bahda caddaaladda carruurta JSL (Justice for Children Thematic Working Group) shirkan ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka Wasaaradda Caddaaladda ujeeedada shirkan ayaa ahayd in la soo ban dhigo xogtii laga soo uruuriyey Xabsiyada iyo saldhigyada booliska ee dalka, sidoo kalena la is wadaago xogaha ay hayaan hay'adaha bahda cadaaladda carruurta ka shaqeeya ee kala duwan, in laga wada shaqeeyo sidii kharash loogu raadin lahaa xarunta dhaqan celinta carruurta sharciga khilaafta ee Minja-caseeye.